{Daawo sawirada } Maxkamada Ciidamada Puntland oo Sheegtay inaan La aqbaleyn Maxaabiis Sharci daro ugu Jirtaa Xabsiyada

0
232
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland Col C/fitaax Xaaji Aadan ayaa cadeeyay inaan la aqbali doonin cid ama maxaabiis sharcidaro ugu xiran xabsiga maamulkaasi.

Wuxuu sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Puntland oo u kuur galayay xaaladda maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ineysan dhaceyn qof muddo u xiran cadaalad la’aan isla markaana aan la horkeenin maxkamada taasina ay eedeeda qaadayaan cida mas’uulka ka ah.

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee shanta gobol iyo danbiyada culus ayaa shalay la horkeenay 78-askari oo 16-kamid ah lala xiriinayey Ururka Al-Shabaab.

 “Maxkamada iyadoo tixraaceysa Qodobada 45- 46 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,waxay fareysaa dhamaan Hay’adaha baarista kuwa ciidamada Fadhiyadooda iney ku soo gudbiyaan eedeysanayaasha ciidanka ah eedeyntooda,” ayuu yiri Mudane Col Cabdifitaax Xaaji Aadan.

Waxa uu xusay in uusan shaqeyn xafiiska Xeer ilaalinta guud maadaama dadkan iyagu ay kasoo codsadaan maxkamada si danbigooda loogu qaado.

Sidoo kale waxa uu soo qaatay in ay jiraan qaar dadka ay soo xirteen ilaaway muddo ka dib markii la weydiiyana ilowsho ka muujinaya ,isagoona sheegay in uu fasaxay qaarkood.

Guddoomiye Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku goodiyey in haddii aysan shaqooda qabsan Xeer ilaalinta guud iyo Xafiiska Xuquuqul aadanaha Puntland iney fasaxayaan dadka aan lasoo eedeyn ee xabsiyada isaga jira.

– See more at: http://risaala.net/articles/28659/Dhageyso-Maxkamada-Ciidamada-Qalabka-Sida-ee-Puntland-oo-Sheegtay-inaan-La-aqbaleyn-Maxaabiis-Sharci-daro-ugu-Jirtaa-XabsiyadaSawiro#sthash.f1ksKMBP.dpuf