{DAAWO SAWIRADA} Munaasabad lagu xusay sanadguurada 13-aad ee ka soo wareegatay Aas aaska Radio Jowhar oo la qabtay

0
237

Xaflad si weyn loo soo agaasimaya oo lagu xusayay sanadguurada 13aad ee ka soo wareegatay aasaaska Radio Jowhar ayaa shalay lagu qabtay Hotel Subiye ee magaalada Jowhar.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan,duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali,Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Maryan Muxumad Kuulow iyo oday dhaqameedyo uu kamid ahaa Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb iyo martisharaf kala duwan.

Munaasabadan ayaa waxaa warbixin kooban oo ku saabsan waxqabadka mudada sanadka ah ee Radio Jowhar waxa ka soo jeediyay agaasimaha Radio Jowhar Maxamed Abuukar Caseyr isagoo sheegay in idaacada ay ka mid noqotay idaacadaha caalamka laga yaqaan kana qeybgashay barnaamij wacyigelin ah oo muddo toddobaad ah ka baxayay kaasoo loogu magac daray Radioeveryone, sidoo kale waxqabadka idaacada ayaa ka mid ahayd in ay ku guuleysatay in la aasaaso horaantii bishii Janaayo ee sanadkan urur ay ku mideysan yihiin saxafiyiinta gobolka Sh/dhexe.

Maxamed Macalin Xasan Kulmiye oo ka mid ah mas’uuliyiinta dhinaca warfaafinta u qaabilsan maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa u hambalyeeyay bahweynta Radio Jowhar isagoo sheegay in saxafiyiin badan oo dalka caan ka ah ay weriyanimadooda ka soo bilaabeen idaacada Jowhar haatana ay yihiin hormuudka saxafiyiinta dalka Soomaaliya.

Marwo Madiino Caddow oo ka mid ay ururka haweenka degmada Jowhar ayaa ka hadashay waxqabadka muuqda ee idaacada Jowhar iyo mudadii ay jirtey in ay ka shaqeysay arrimo ay ka mid yihiin horumarinta waxbarashada,caafimaadka iyo ciyaaraha.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali oo ka hadlay munaasabadan ayaa ka hadlay taariiqda warbaahinta dunida soo martay iyo heerka ay haatan joogto waxana uu qirey mudadii ay idaacada Jowhar jirtey in ay waxbadan u qabata shacabka degmada Jowhar.

Ugu dambeyntii kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ka hadlay xafladan ayaa ugu hambalyeeyay bahweynta idaacada Jowhar sanadgurada 13aad ee aasaaskeeda.

Mudane Meyre Makaraan waxa uu ugu baaqay bahda idaacada Jowhar in ay ka shaqeeyaan horumarinta gobolka ayna bulshadooda ugu adeegaan si anshaxa saxaafada uu qabo.