{DAAWO SAWIRADA} Nin Werar Ku Qaaday School Ku Yaala Dalka Sweden

0
176

Ruux la sheegay inuu wajiga soo xirtay ayaa Seef la dhex maray dad ku sugnaa Iskuul ku yaalla dalka Sweden.

Ruuxaani ayaa Seefta ku dilay Hal Ruux, halka 4 kalane uu gaarsiiyay dhaawac culus kuwaasi oo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada Booliska oo durbadiiba goobta gaaray ayaa Toogasho ku dilay ruuxaasi, iyadoona ay Ciidamadu sheegen in ujeedkiisu ahaa inuu saf ka maro dhamaan Ardaydii iskuulka ku sugneyd.

Ruuxa falka geystay oo Toogashada ay kasoo gaartay dhaawac ayaa isna la dhigay Isbitaal si loo dabiibo, waxaana halkaasi dhaawiciisa ku ilaalinaaya Ciidamada Booliska.

Saraakiisha Booliska oo goobta kula hadashay Saxaafada ayaa sheegay in goortii ay halkaasi gaaren ay dadka ka dareemayeen Jahwareer waxa ayna arintaani ka dhacday iskuul ku yaalla Magaalada Trollahattan ee galbeedka dalka Swedan.

Mr Niklas Claesson oo ah Madaxa isgaarsiinta Isbitaalka ( Nal ) oo ku yaalla Magaalada Trollhattan ayaa sheegay in caafimaadka ruuxa geystay weerarka uu yahay mid soo hagaagaya balse ay sugeyso in wax laga weydiiyo waxa uu weerarka ka damacsanaa.