{DAAWO SAWIRADA} Ninkii Yamaniga ahaa ee isku hor gubay xarunta UNHCR ee Magaalada Hargeysa

0
289

Waxaa shalay nin u dhashay dalka Yemen isku gubay afaafka hore ee Xarunta hay’ada Qaxootiga ee UNHCR ku leedahay magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Ninka Yamaniga ahaa ee isku gubay Magaalada Hargeysa ayaa lagu magacaabaa Jihaad Maxamed , waana nin 25-sano jir ah oo kaligiis kunool Magaalada Hargeysa, waxaana ninkan la sheegay in uu isku gubay daryeel la’aan iyo dhibaatooyin lasoo darsay.

Jihaad Maxamed, ayaa hada lagu daweenayaa isbitaal kuyaala Magaalada Hargeysa, waxaana afhayeen u hadlay Qaxootiga Yaman ee Hargeysa jooga sheegay in xaalada Ninkan uu hada soo hagaagayo lalana tacaalayo daaweyntiisa.

Sababta is gubida ninkan u dhashay Dalka Yaman ayaa la xiriirta nolol xumi ku heesatayMagaalada Hargeysa, waxa ayna dhacdadan muujisay dhibaatada qaar badan oo qaxootiga Yaman ka yimid ah ku heesata Deegaanada Somaliland.