{DAAWO SAWIRADA} Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo lagu weeraray Masaajidyo lagu cibaadeesanayay

0
175
People inspect a damaged mosque following an explosion in Maiduguri, Nigeria, Friday, Oct. 23, 2015. A self-defense fighter says twin bomb blasts have killed at least 18 at a northeast Nigerian mosque crowded with people observing pre-dawn prayers. (AP Photo/Jossy Ola)

Qaraxyo xoogan oo ismiidaamin ah ayaa shalay oo jimco ah waxaa lagu qaaday labo masjid oo kuyaala Magaalooyinka Yola,iyo Maiduguri ee kuyaala Waqooyiga Dalka Nageria, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad aad u badan oo masaajidaasi ku cibaadeesanayay

Masjid kuyaala Magaalada Yolo ee Gobolka Adamawa ayaa qarax lala eegtay waxaa lagu dilay dad kor u dhaafaya 27-qof oo kamid aheed Jameecada Masjidkaasi, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad gaaraya 96-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Qaraxyo kale oo ismiidaamin ah ayaa isla shalay oo Jimco ah waxaa lagu qaaday Masjid kale oo kuyaala Magaalada Maiduguri ee xarunta Gobolka Borno, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad gaaraya 28-qof oo masjidkaasi ku sugnaa ,halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Boka Haram ee ka dagaalanta Waqooyiga Dalka Nageria ayaa lagu eedeenayaa in qaraxyadan ka dambeeyeen, kooxdaasi ayaana horey u qarxisay dad badana ku dishay masjidyo kuyaala Waqooyiga Nageria.