{DAAWO SAWIRADA} Rag ajaaniib ah oo maanta lasoo taagay maxkamad kutaala Magaalada Garawe

0
223

Waxaa Maanta Maxkamada Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal la horkeenay labo eedeesane oo ajaaniib ah kuwaa oo loo heesto in si sharci daro ah uga kaluumeesanayeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Puntiland.

Ragan Ajaaniibta ah oo maanta lasoo taagay Maxkamada kutaala Magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntiland ayaa kasoo jeeda wadanka Indonesia, waxa ayna la socdeen Markab ka diiwaangashan Dalka Yaman.

Eedeesanayaasha Maxkamada lasoo taagay ayaa lagu kala magacaabaa Mohli Batiwawa oo 46-sano Jir ah oo ahaa ninkii Markabka waday iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir oo isna ahaa Makaaniga Markabka ka diiwaangashan Dalka Yaman.

Labadan Nin ee u dhashay Dalka Indonesia ayaa laga soo qabtay xeebta degmada xaafuun kadib markii markabka ay wateen uu soo caariyey, waxaana ragan gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Puntiland.

Maxamed Xareed Faarax kuxigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamda darajada koowaad ee Gobalka Nugaal ayaa sheegay in ajaanibtaan lagu soo qabtay iyaga oo si sharci daro ah uga kuulamaysanaya xeebaha Puntland waxaana uu sheegay inay ku xad gudbeen dhul xeebeedka Puntland.

Ciidamada ilaalada xeebaha Maamulka Puntiland ayaa dagaal kula jira maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darada ah uga kaluumeesta xeebaha Maamulkaasi, waxaana marar badan xeebaha Puntiland laga soo qabtay Maraakiib si sharci daro ah u kaluumeesanayay.