{DAAWO SAWIRADA} Shakir Caamir oo Xabsiga Guwantanamo laga sii daayay kadib sanado badan oo ku xirnaa

0
219

Xabsiga Guwantanamo Bay , ay maamulaan Ciidamada Mareykanka ayaa laga sii daayay maalinii shalay Muwaadin Muslim ah oo heesta dhalasada Dalka Ingiriiska oo mudo ka badan 13-sanadood ku xirnaa xabsigaasi.

Shakir Caamir, oo asalkiisu yahay Sacuudi balse heesta dhalashada Dalka Ingiriiska ayaa sanadii 2001-dii Ciidamada Mareykanka waxa ay ka qabteen Dalka Afaanistaan, xiligaa uu la shaqeenayay Hay’ad gar gaar oo Islaami ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Shakir Caamir in uu xubin ka ahaa Kooxda Al-Qaacida ee xiligaasi ku xooganeed Dalka Afgaanistaan, waxa uuna ninkan qeyb ka noqday maxaabiis badan oo loo dhoofiyay xabsiga weyn ee Guwantanamo Bay.

Shakir Caamir, ayaa intii uu ku xirnaa xabsiga Guwantanamo Bay aan lasoo taagin wax maxkamad ah sidoo kale laguma soo oogin dacwadaha loo heestay, waxa ayna Saraakiisha Mareykanka sheegeen in aan ninkan lagu helin wax dambi ah balse loo diiday in xuriyadiisa la siiyo.

Abuukaate u doodaya Shakir Camir, ayaa shaaca la qaaday in ay diyaarinayaan dacwad ka dhan ah Dowlada Ingiriiska oo lagu eedeenayo in ay qeyb ka aheed xadgudubkii lagu sameeyay muwaadinkan , waxaana la sheegay in Sirdoonka UK ay su’aalo badan weediiyeen intii lagu hayay xabsi kuyaala Afgaanistaan xiligaas oo jir dil loo geesanayay Shakir.

Sirdoonka Dowlada Ingiriiska ayaa sidoo kale la sheegay in sadax jeer ay muwaadinkan ku booqdeen xabsiga Guwantanamo uu ku xirnaa, wax gacana ahna kama geesan sii deyntiisa maadama lagu waayay dambiyadii lagu heestay.

Shakir Caamir ayaa diyaarad siday waxa ay shalay ka dagtay Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska, waxa uuna ninkan dib ula midoobay Xaaskiisa iyo labo Caruur ah uu dhalay oo mudo sanado badan ah aysan is arkin.