{DAAWO SAWIRADA} Taliska Amisom oo Xarun weyn lagu tababaro Ciidamada Booliska ka furay Magalada Kismaayo

0
177

Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Ciidamada Booliska Amisom ayaa gaaray Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay ka hirgaliyeen Xero weyn oo lagu tababaro Ciidamada Booliska Maamulka Jubaland.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa kormeertay Xerada cusub oo ay ku tababari doonaan Ciidamada Maamulka waxa ayna sidoo kale cagta soo mariyeen dhamaan goobihii ay ku baran lahaayen dab ridka.

Xeradaasi ayaa loogu talo galay tababarka Booliska, waxaana sidoo kale dadka booqday kamid ahaa Masuuliyiin ka tirsanaa Maamulka kuwaasi oo wax ka indha indheeyay xarunta.

Maamulka Jubaland ayaa waayadaani danbe xooga saara dhismaha xarumaha Ciidamada iyo xoojinta Ciidamo, waxaana xusid mudan in Maamulka uu dhawaan yeelan doono Boolis ka howlgala magaalada.