{DAAWO SAWIRADA} tirada dhimashada Dhul Gariir kii ka dhacay Dalalka Pakistaan iyo Afgaanistaan oo korortay

0
190
Pakistani paramedics treat a man injured in an earthquake at a hospital in Peshawar on October 26, 2015. At least 17 people including eight children were killed in Pakistan when a 7.5 magnitude quake struck in Afghanistan October 26, officials said. AFP PHOTO / A MAJEED

Waxaa shalay Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.5 ku dhufteen waqooyiga dalka Afghanistan iyo Pakistaan, waxaana sidoo kale dhul gariirkan uu ruxay magaalooyin badan oo ku yaalla Koonfurta Qaarada Asia.

Inta la xaqiijiyay 260 qof ayaa ku dhintay dhulka Gariirka xoogan ee ku dhuftay Dalalka Pakistaan iyo Afgaanistaan,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 2-kun oo qof, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan tirada dadka ku dhintay dhul gariirkaasi.

Kooxaha samatabixinta ayaa loo diray deegaannada fog fog ee waqooyiga Pakistan iyo waqooyiga bari ee Afghanistan oo uu ku dhuftay dhulgariirka ,kuwaa oo wali ku hoolan raadinta dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay dhul gariirkaasi.

Dhul gariirka ayaa cabsi badan ku beeray si weyna looga dareemay wadamada Pakistaan, Afgaanistan iyo Hindia, dadka ayana shalay ka baxay guryahooda iyaga oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto dhul gariirkaasi.