{DAAWO SAWIRADA} Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Oo Ku Guuleysatay Xalinta Dagaalkii Baladweyne

0
315
DCIM100MEDIA

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa ka qayb-gallay munaasabad lagu soo gabagabeeynayay hishiis dhaxmaray labo beellood oo dhawaan ku dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Waxaa sidoo kale munaasabad goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka heer degmo, guddiga dib-u-hishiisiinta gobolka, Waxgarad iyo odayaal ka kala tirsan beelaha dega gobolka, kuwaasoo si weyn u soo dhaweeyay hishiiska lagu soo af-jaray colaadda labada beelood.

Ugaas C/raxmaan oo markii hore lahaa billowga ambaqaadka waddahadal lagu dhameeyo colaadda labada dhinac ayaa uga mahad-celiyay guddiga xallinta khilaafaadka iyo wax-garadka labada dhinac sidda ay uga dhabeeyeen baaqiisii ahaa in colaadda lagu badalo nabada, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada-hadal.

“Runtii waxaan rabaa inaan halkan uga mahad-celiyo waxgaradka labada beelood iyo cid kasta oo isku howshay siddii loo soo afjari lahaa colaada, dagaal waxaa laga dhaxlaa  dhimasho iyo bur bur hantiyeed oo kaliya, waxaan mar kale leeyahay oo idinka codsanayaa in aad adkeysaan nabada, dhinac walbana ku dadaalo siddii loo her-galin lahaa hishiiska la gaaray” ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Duqa Beledweyne, Cumar Aadan Ibraahim Baadiyo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan soo dhaweynayaan tallaabo kasta oo loo qaado dhinac nabada, isaga oo kula dardaarmay labada dhinac ee hishiisku dhaxmaray in ay is cafiyaa, meelna iska dhigaan xumaan kasta oo horay u jirtay.

Goobta ayaa lagu dhaariyay 20 dhalinyarro oo hubeysan lagana soo kala xulay labada beellood, kuwaa oo loogu talla-galay in ay si waddajir ah u ilaaliyaan ammniga suuqa dhexe ee xaafadda Howl-wadaag, dhinaca kalana ka hortagaan cid kasta oo ammniga qal-qal ku ah.

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA