{DAAWO SAWIRADA} Urur ay leeyihiin Iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe oo looga dhawaaqay Jowhar

0
226

Kulan boorka loogaga jafayay ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee gobolka Sh/dhexe ayaa maanta lagu qabtay magalaada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo soo noolayn lahaa Ururkii dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Gobolka shabeelaha dhexe ee UDHIS ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Ugu horeyn waxaa halkaa kahadlay Guddoomiyaha KMG ah ee ururka iskaashatooyinka degmada Jowhar Axmad Tifoow Gacal oo soo dhoweyn iyo amaan ujeediyay dadaalka iyo horumarka uu hiigsanaayo ururkan heerka gobol ee maanta boorka laga jafaayo waxaana uu si weyn u amaanay dadaalka iyo hiigsiga ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka uu ku tallaabsanaayo waxaana uu shaaca ka qaaday in uu si buuxda u garab taagan yahay ka degmo ahaan .

Wakiil ku xigeenka ururka Iskaashatooyinka degmada Cabdullaahi Macallin Xuseen Biis oo isna ka hadlay ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsaday dadaalka iyo heerarka kala gedisan ee uu soo maray ururkan iyo mudadii ay u soo halgamayeen sidii uu ku hana qaadi lahaa ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka shabeelaha dhexe .

Xoghayaha Guud ee ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Gobolka shabeelaha dhexe Cabdulqani Sheekh Maxamad oo ka jeediyay warbixin ka hadlaysa Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Gobolka shabeelaha dhexe isagoo si weyn ugu amaanay qaar ka mid ah Hay’adaha ka howlgala gobolka ay u badbaadiyeen xafiisyadii UDHIS ee Gobolka waxaana si weyn uu u amaanay Hay’adda Intersos oo gacanta ku haysa Xafiisyadii ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gobolka shabeelaha dhexe maantana loogu daneeyo Shacabka Gobolka ee la liita Cudurka Qaaxada .

Xoghayaha ayaa waxaa uu si gaar ah uga faalooday marxaladihii kala gedisnaa ee ururka soo maray waxaana uu hadalkiisa si gaar ah ugu guubaabiyay “Keyd iyo dhigaal iyo qofaan koombo meel dhigan kadeed Gaajo iyo Ceyrnimo Cimrigood kama baxaan” .

Sidoo kale gudoomiyaha degmada jowhar C/qaadir C/lle Buurfuule ayaa ugu mahadceliyay dadkii isku dayay in ay dib u soo nooleeyaan iskaashatada udhis ee G/SH/dhexe wuxuuna ugu baaqay in ay ku dadaalaan cadaalada iyo horumarinta wax soo saarka.

Kulanka ayaa waxaa soo xiray kusimaha gudoomiyaha gobolka Shabelaha Dhexe ahna gudoomiye ku xigeenka gobolka dhanka siyaasada iyo amniga Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in iskaashatooyinka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan beeraleeyda ayna kala shaqeeyaan wax soo saarka gobolka Shabelaha dhexe.








 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdi Fitaax Nuur Saney {Socdaal}

Radio hiranweyn Jowhar