{DAAWO SAWIRADA} Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka oo maanta banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho

0
366

Qaar ka mid ah wadayaasha iyo milkiilayaasha mootada Bajaajka ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa wadayaasha Bajaajka waxa ay ugaga soo horjeedeen cadaadis ay sheegeen in si gaar ah loogu hayo mootooyinkooda. Xasan Cali Cumar oo kamid ah wadayaasha bajaajta ayaa shabakada warbaahinta Ayaa  sheegay in ay dalka ku soo kordhiyeen horumar dhinaca isgaarsiinta ah balse cadaadis lagu saaray shaqadooda.

“Waxaa waddo walba noo taagan ciidamada dowlada hoose iyagoo lacago naga qaada,waxaa nalaga mamnuucay qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah sida tan garoonka diyaaradaha,hadana waxaa nagu socda dhac loo geysanayo mootooyinka.”ayuu yiri Xasan Cali Cumar oo ka hadlayay sababaha ay banaanabaxa u dhigayeen.

Banaanbaxan ayaa ahaa mid nabadeed oo si asluub leh wadayaashu ay dhigteen mootooyinkooda hareeraha wadada laamiga ah.

Wadayaasha mootooyinka Bajaajta ayaa waxa ay ka codsadeen dowlada in ay soo farogeliso dhibaatooyinka lagu hayo isla markaana laga qaado culeyska lagu hayo.

Tan iyo markii ay mootooyinka bajaajka ku soo kordheen dalka ayaa waxaa isbedel ku yimid qiimaha dadka ay ku raaci karaan gaadiidka waxaana suuq yari dhacday tagaasida iyadoo shirkado taksiyo oo magaalada Muqdisho sanadihii la soo dhaafay ku soo kordhay.

banaabax bajaj (8)

banaabax bajaj (7)

banaabax bajaj (6)

banaabax bajaj (5)4 banaabax bajaj (4)

banaabax bajaj (3)

banaabax bajaj (2)

banaabax bajaj (1)