{DAAWO SAWIRADA} War Murtiyeed ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0
189

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, oo maalin ka hor ka furmay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgalay Madaxda Dowlada Somalia, Maamul Goboleedyada dalka gaar ahaan kuwa u sharciyeysan Dowlada, Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah wakiilo ka socday Bulshada.

Shirka oo maalinimadii shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saaray in Somalia aysan xiligaani ka maarmin doorasho xalaal ah oo aan wadan dhaliil.

Waxaa sidoo kale looga hadlay arrimo badan oo inta badan ay ka cawdaan Maamulada dalka waxaana arintaasi iyo arimo kalaba loo sameeyay gudiyo xalinteeda gala oo ay ku mideysan yihiin xubno kala matalaaya Dowlada iyo Maamulada dalka.

Haddaba Shirkaani oo ka duwanaa shirarkii hore ayaa waxaa laga soo saaray 10 qodob oo ay isku raaceen dhinacyadii ka qaybgaleysay, ujeedka Madasha Wadatashiga Qaran loo aas aasay, ayaa waxaa weeye inay ka soo shaqeyso, noocii ay noqon laheyd doorashada madaxtinimada ee 2016 dalka ka dhacayso waxaana kamid ah Qodobadaasi:-