(Daawo sawirada) Wararkii ugu dambeeyay Shirka wada tashiga ee hanaanka doorashooyinka 2016

0
166

Shirar gaar gaar ah ayaa u socda Guddiyada Farsamo ee xubnaha ku jira Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo gelinka dambe ee maanta lagu wado in la soo gaba gabeeyo shirka.

Xubnaha Guddiyada Farsamo ee shirarka u socda ayaa isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Maamul goboleedyada, Xildhibaano, xubno ka kala socda Xafiisyada Madaxda dowladda iyo Madaxda Maamul goboleedyada iyo ururada bulshada.

Guddiyadan ayaa la filayaa inay ka soo tala bixiyaan hanaan doorasho oo dalka ka dhacda sanadka 2016, waxaana durbaba miiska saaran afar xulasho oo ah qaabka ugu haboon ee la qaadan karo marka la gaaro sanadka 2016.

Shirarka gaar gaarka ee Guddiyada u socda waxaa wehliya shirar kale oo ay leeyihiin Madaxda dowladda iyo kuwa Gobollada, waxaana qorshuhu yahay sidii la isugu raaci lahaa hab raaca looga gudbayo marxalada kala guurka ah.

Hoolka weyn ee uu shirka ka socdo ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid mashquul ah, waxaana Guddiyada ay u fadhiyaan si koox koox, isla markaana darsaya qaababka ugu haboon ee looga gudbi karo sanadka 2016.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in go’aanada shirarka gaar-gaarka ka soo baxa inuu ka hor-jeedo madasha wada tashiga, waxaana kadib shirka soo xiri doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa marka maanta la soo xiro, waxaa loo gudbi doonaa wada tashi ballaaran oo laga sameeyo gobollada dalka, sida Caasimadaha maamul goboleedyada, iyo magaalooyinka kale, si dadweynaha loogu gudbiyo habka xulasho ee la qaadan karo sanadka 2016.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wadooyin muhiim ah ay xiran yihiin, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka, waxaana magaalada tan iyo shalay ka da’yay roobab xoogan oo biyo dhigay wadooyinka iyo xaafadaha.

shirka madasha (1)shirka madasha (2)shirka madasha (4)shirka madasha (5)shirka madasha (6)shirka madasha (7)shirka madasha (9)shirka madasha (10)