{DAAWO SAWIRADA}Banaanbax Nabadeed Oo Manta ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag Ee Degmada Beledweyne

0
367
DCIM100MEDIA

Kaddib heshiis rasmi ah oo maalintii shalay degmada Beledweyne ay ku gaareen wax-garadka dhinacyadii dhawaan ku dagaallamay magaalada, ayaa maanta oo Jimco ah waxaa ka dhacay xaafadda Howl-wadaag dibad-bax nabadeed oo lagu taageerayay heshiiskaas.

Dibadbaxayaasha oo ay qeyb ka ahaayeen guddiga dib-u-hishiisiinta gobolka, waxgaradka labada beelleed ee shalay hishiiska kala saxiixday iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha Baladweyne ayaa socod ku maray guud ahaan qaybaha ay ka kooban tahay xaafada Howl-wadaag, iyagoo dadka ugu baaqayay in ay dib u bilaabaan nolashoodii caadiga aheyd.

Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-Geed] oo hormuud u ah guddiga dib-u-hishiista gobolka, dhanka kalena qayb ka ahaa dibad-bixii maanta, ayaa uga mahad celiyay odayaasha labada dhinac sidda ay u soo dhaweeyeen nabada, isagoo ku booriyay in ay ka dhabeeyaan hergalinta hishiiska lagu soo afjaray colaada.

Odayaashii ka kala socday labada beellood, ayaa dhinacooda bannaan-baxa ka sheegay in ay qaateen nabada, shacabka labada dhinacna yihiin dad walaalo ah, iyaga oo goobta kaga dhawaaqay in ciddii jabisa hishiiska la gaaray la ganaaxi doono lacag 10, 000 oo doolar ah.

Dadweynaha ku dhaqan xaafadda Howl-wadaag oo dhibaato xoog leh ku qabay colaadda, ayaa maanta wajiyadooda laga dheehanayay farxad iyo reyn-reyn, iyagoo ku ammaanay odayaasha-dhaqanka gobolka Hiiraan doorkii ay ka qaateen sidii colaadda loo soo af-jari lahaa.

DCIM100MEDIA
DCIM100MED

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA

DCIM100MEDIA
DCIM100MEDIA
DCIM100MEDIA
DCIM100MEDIA