{DAAWO SAWIRADDA} Dibadbax Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Manta Cadaado Kadib Marki…..

0
185

Dibad baxani oo ahaa mid aad u balaaran ayaa lagu taageerayay Horumarka iyo Guulaha Ciidamada Dowlad Gobaleedka Galmudug ka gaareen dagaalkii dhawaan Al-shabaab uga saareen Deegaanka Camaara.

Dibadbaxa ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka mid ah Dowlada Goboleedka Galmudug oo isugu jirtay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Dowlad gobaleedka Galmudug, Taliyaha Guutada 21- aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha ciidamada booliska degmada Cadaado,masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Cadaado, waxgaradka Degmada, Ururka Haweenka, Ururka Dhallinyarada, iyo Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid 6-da Xaafadood ee Magalada Cadaado.

Dibad baxayaasha oo watay Boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah Al-shabab ayaa Socdaal dheer kusoo maray qeybo ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magalada Cadaado,kuwaasoo isugu soo Ururay Xarunta degmada Cadaado.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Cadaado Nuur Yarow Xeyle oo ugu horeyn la hadlay dadweynaha isku soo baxay ayaa waxaa uu kawarbixiyay ujeedka Dibad baxa iyo sababta keentay.

Wasiirka dhalinyarada iyo sportiga Galmudug Warsame Maxamed Xasan “Warsame joodax”oo gaba gabadii dibad baxa qudbad dardaaran ah ka jeediyay ayaa waxa uu Al-shabaab ugu baaqay in dhibaatada ay ka daayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dibad baxani ka dhacay magalada Cadaaado ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii dhawan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedka Galmudug ay dib ula wareegeen deegaanka Camaara

2 3 dibax1