{DAAWO SAWIRADDA} Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalia Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Soo Gaaray Beledweyne

0
316

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga RW ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa; wasiiradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, wasiir-ku-xigeenka wasaarrada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, wasiir-u-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka, wasiir-u-dowlaha xafiiska ras’iisal wasaaraha, xildhibaanno, saraakiil, iyo xubno ka tirsan hay’addaha samafalka.

Xubnaha wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Cabdifitaax Xassan Afrax, iyaga oo salaan shafar ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Africa AMISOM,

Kulan gaar ah oo ay wafdiga la qaateen odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayeey uga wadda hadlleen xaalada guud ahaan gobolka, gaar ahaan aragtida odayaasha ee la xiriirta maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Nabadoon Shuuriye Xusseen Xaayoow oo la hadlay wafdiga ra’iisal wasaare ku-xigeenka, ayaa sheegay in dowladda federaalka ka dalbanayaan in xarunta dowlad gobolleedka iyo madasha shirka lagu dhisayo maamulka laga dhigo magaalada Beledweyne.

Wasiir-u-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/rashiid Max’ed Xidig oo ka jawaabayay arrintaa ayaa xusay inay dowladdu tix-galin doonto rabitaanka bulshada, dhinaca kalana looga baahan yahay reer Hiiraan in ay ka shaqeeyeen nabad-galyada.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow ayaa ku booriyay qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka in ay iyaga Aayahooda ka tashadaan, madaama uu jiro is badal lana filayo in dhawaan loo gudbo dhismaha dowlad gobolleed.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Max’ed Cumar Carte Khaalib oo hadal jeediyay ayaa sheegay in ay maqleen rabitaanka bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan islamarkaana fariinta ay soo gudbiyeen gaarsiin doonaan madaxda ugu sareysa dalka, hasse ahaatee dhinaca kale bulshada ku dhaqan gobolka looga baahan yahay in ay fuliyaan mar walba go’aamada ka soo baxa dowladda.

Inkastoo shirka lagu lafa-guray arrimo siyaasadeed, haddana meesha kama aysan marneyn arrinta ku saabsan isbadalka cimilada iyo fatahaada laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga shabeelle, waxaana uu sheegay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Somalia in arintan dowladdu u saartay guddi soo qiimeeya, kana warbixiya hadba halka ay xaaladdu mareyso si markiiba looga jawaabo baahiyaha ay bulshadu qabaan.

Odayaasha dhaqanka gobolka ayaa dhinaca kala ka dalbaday dowladda inay si deg deg ah uga jawaabto dawo la’aanta baahsan ee ka jirta isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, madaama xubnaha wafdiga ay ka mid aheyd wasiirka caafimaadka marwo Xaawo Xassan Max’ed.

Safarka ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda Soomaaliya uu maanta ku tagay magaalada Beledweyne ayaa imanaya xili dhawaan la fillayo in la guda-gallo dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (2) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (1) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (29) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (28) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (27) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (26) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (25) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (24) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (23) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (22) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (21) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (20) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (19) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (18) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (17) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (16) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (15) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (14) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (13) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (12) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (11) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (10) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (9) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (8) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (7) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (6) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (5) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (4) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (3) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (2) wafdi raisal wasare ku xigeenka soomaalia (1)