Dagmada Afgooye Oo Cabsi Laga Qabo Inuu Fatahaad Sameyo Wabiga Shabeelle

0
176

Dadka Ku dhaqan Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa cabsi xoogan waxaa ay qabaan fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Degmadaasi.

Cabsida Dadka Reer Afgooye ay qabaan ayaa sii kordheysa kadib markii uu buux dhaafiyey wabiga waxaa ayna bilaabeen in ay ka hor tagaan hadba inta ay taagtooda gaadho,waxaa ayna ku mashquulsan yihiin sidii ay u yareen lahaayeen qasaaraha oo ay u xadidi lahaayeen.

Wabiga ayaa sanad walba sameeya fatahaad in kastoo ay saameyntiisa ay ku saleysan tahay hadba inta ay la egtahay baaxada biyaha soo dhaafa kar kaarada wabiga.