Deg Deg:- Guddoonka Baarlamaanka oo Amray in la siidaayo Wariyaasha Xiran

0
244

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu Amray in si Deg Deg ah loo siidaayo Wariyaasha ka Xiran Tv-ga Universal oo maalintii Lixaad ku jira Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Cumar Aadan oo ka mid ah Lataliyaasha Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Saxaafada u Akhriyay Warsaxaafadedka ayaa sheegay in ay Warqad u qoreen Xeerilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir,taas oo lagu Dalbanayo in la siidaayo Wariyaasha Xiran Maalintii Lixaad ee kala ah Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Afrika C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawli Daahir Salad,

Waxaa uu sheegay Cumar Aadan inuu Xeerilaaliyaha Qaranka ka Ogolaaday in la siidaayo wariyaasha islamarkaana deg Deg loo siideyn doono.

Beesha Caalamka iyo wariyaasha ku nool Soomaaliya ayaa dhowr Jeer Dalbaday in la siidaayo Wariyaasha Tv-ga Universal lana fasaxo Xarunta Magaalada Muqdisho ee Tv-ga.