Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan Oo Go’doonsan

0
205

tan iyo Markii Ciidamada Milatariga Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Go’doon ku jirtay Degmadaasi,waxaana Dadka u Furneyd Degmada Labo Wado oo kaliya.

Wadada isku Xirta Degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi ayaa waxaa horay u jaray Xarakada Al-shabaab oo diidan in Wadadaasi la isticmaalo.

Wadada kale oo  Degmada Jalalaqsi iyo Shabellaha Dhexe isku Xireysay ayaa la sheegay in Go’day kadib markii Roob Xoogan uu halkaa ka da’ay.

Duqa Degmada Jalalaqsi Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in degmada ay ka jirto Xaalad Nolol Xumo kadib markii Degmada ay Go’doon noqotay.