Diyaaradii ku dhacday Gobalka Shabeelaha Hoose iyo dadkii saarnaa oo wali war laga la’yahay

0
217
SANYO DIGITAL CAMERA

Diyaaradii ku dhacday Gobolka Shabeellaha hoose Arbacadii la soo dhaafay, ayaa ila hada waxaa la garan la’yahay halka laga leeyahay, iyadoo sidoo kale la la’yahay Shaqaalihii Saarnaa Diyaaradaasi.

Diyaaradan oo ku dhacday deegaanka Cumar Beere ee duleedka Degmada Afgooye, ayaanan ilaa hada la aqoonsan dalka laga leeyahay iyo ujeedka ay u socotay, inkastoo la sheegaayay inay doonaysay inay ku degto Garoonka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Shaqaalihii saarnaa Diyaarada nolol iyo geeri war lagama haayo, inkastoo Warbaahinta qaar ay qorayeen inay Shabaab u gacan galeen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay qabsadeen diyaarada, sidoo kalena ay la degeen Shaqaalihii saarnaa oo Ajaanib ahaayeen.
Shabaab ilaa hada kama aysan hadlin Diyaaradan ku dhacday Gobolka Shabeelaha hoose iyo tuhunada la xiriira Shabaabka inay afduubteen Shaqaalihii Diyaarada la socday.