Dowlada Mareynkanka oo balaarinaya Howlgalka dhanka sirdoonka ee Bariga Africa

0
189
A Soviet-built MiG-29 Fulcrum fighter flown by Major (MAJ) Peter Meisberger, from Germany's (DEU) 73rd Fighter Wing (FW), Laage Air Base (AB), Germany, fires a radar guided AA-10 "Alamo" short-burn air-to-air missile at a QF-4 "Rhino" full-scale aerial target drone during a live-fire weapons training mission.

Dowlada Mareynkanka ayaa sii balaarisay Barnaamijkeeda droneska iyo saldhiga ciidan ay ku leedahay Koonfurta magaalada Djibouti’s ee caasimada dalka Jabuuti,kaasi oo u ogalaanaya iney ka qaado howlgalka sirdoon ee ka dhan ah waxay ugu yeereen kooxaha argagixisad ee ka jira bariga Africa.

Xukuumada Washintong ayaa sii wada qorshaha ay ku balaarineyso Saldhigeeda ay ku leedahay dalka Jabuuti,wuxuuna Mareynkanka muhiimada dalkaan yar u doortay ay tahay isagoo ku yaalo goob istiraatijiyad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweynaha Mareynkanka Barack Obama ayaa goor sii horeysay balan qaaday dhameynta wuxuu ugu yeeray dagaalka gudaha,isagoo wacad ku maray in xukuumadiisu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhan ah Kooxaha ka kala dagaalama Soomaaliya iyo Yemen.

Raritaanka Saldhiga Droneska Koonfurta Jabuuti iyo balaarinta lagu sameeyay ayaa lagu micneeyay iney ogolaaneyso weerar dil ku saleysan ay ka geysato dalalka Soomaaliya iyo Yemen,sida loo qorsheeyay,taasi oo la sheegay in dhibaato dhimasho iyo dhaawac ka soo gaari karto dadka rayidka ah marka la ugaarsanayo xubnaha Al-shabaab ee Al-Qaa’ida xiriirka la leh.

Dowlada Mareynkanka ayaa marar badan weeraro sirdoon ka fulisay Soomaaliya,kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday saldhigo ay leeyihiin dagaalyahanada Al-shabaab halka qaarkoodna dad rayid ah waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah.

Sidoo kale,Mareynkanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyihii ururka Al-shabaab Sheikh Muqtaar Abuu Subeyr oo mudo badan baadi goobkiisa uu socday.