Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in la caawiyo qaxootiga ka soo laabanaya dalka Kenya

0
169

Gudoomiyaha Qaxootiga Soomaaliyeed Axmed C/kariin Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in la caawiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya dalka Kenya ee u soo hiloobay dalkooda Hooyo.

Axmed C/kariin Nuur,gudoomiyaha Qaxootiga Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo gurmado Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Kenya iyo kuwa hada damacsan in dib loo soo celiyo,islamarkaana dib u dejin iyo daryeel loogu sameeyo meelaha loogu talagalay in la dejiyo.

Dowlada Kenya ayaa dooneyso in dib dalkooda loogu soo celiyo kumanaanka Qaxooti ee deegaansanaya xeryaha Qaxootiga ee dalkaasi,kuwaasi oo daruufooyin iyo dhibaato la xiriirta dhanka nolosha ay ka kaxeysay Soomaaliya,maciina biday in dalka deriska aan nahay mudo ka badan 20-sano ay Qaxooti ku ahaadaan.

Marar badan ayay Kenya ku baaqday in si deg deg ah Qaxootiga dib loogu celiyo dalkooda,iyadoo ka duuleysa amaanka dalkaasi oo qal qal galay markii weeraro dhowr ah ay ka geysteen ururka Al-shabaab.

Dhawaan waxaa magaalada Brussels ku soo idlaaday shir dhaqaalo loogu uruurinayay Qaxootiga Soomaaliyeed Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya dalka Kenya dibna ugu soo guryo noqonaya, si dib u dejin iyo daryeelka kale ee ay u baahan yihiin u heli lahaayeen.

Bankiga Hormarinta Africa ayaa shaaciyay in 30-Million ugu yaboohay Qaxootiga Soomaaliyeed laguna daboolayo baahiyaha kala duwan ay qabaan.