EPL: Chelsea oo guuldarro kala kulantay kooxda West Ham United oo ay marti u ahayd + Sawirro

0
296

Kooxda Chelsea ayaa guuldarro kala kulantay West Ham United kulan ka tirsan Premier League, markii looga adkaatay 2-1.

Chelsea ayaa goolka looga horreeyey, balse markii ay barbareysay kaddib ayaa markale laga dhaliyey goolka guusha, waxaana Blues, kaarka cas ka qaatay Matic, iyadoo tarabuunka laga saaray macallinkooda Mourinho.

Goolka hore waxaa lagala horreeyey Chelsea, waxaana kooxda West Ham u dhaliyey 17′ daqiiqo Mauro Zarate, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-0, ka hor inta aan kaarka guduudan laga siinin Matic oo ay isku raaceen labo kaar oo kuwa digniinta ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayaa waxaa Chelsea ay la timid goolka barbaraha, waxaana u dhaliyey 56’ daqiiqo daafacood Gary Cahill, kaasoo ciyaarta ku soo celiyey gar isku mid ah 1-1.

Intaasi kaddib Chelsea waa la weeraray ilaa ugu dambeyn goolka guusha ay ku qaatay West Ham uu u dhaliyo 79’ daqiiqo Andy Carroll, markii uu madax ugu shubay, sidaas ayaana Chelsea looga adkaatay 2-1.

Chelsea ayaa haatan waxa ay fadhisaa kaalinta 15-aad ee horyaalka, waxaana ay haysataa 11-dhibcood.

SAWIRRO:

Blue

Chelsea goalkeeper Asmir Begovic could not stop Carroll's header as West Ham won the London derby
Carroll celebrates after scoring the winner against Chelsea as Slaven Bilic's West Ham won 2-1 at Upton Park

Referee Jonathan Moss reduced Chelsea to 10 men by sending off Nemanja Matic  shortly before half time

Matic was sent off for a second bookable offence after 44 minutes as Chelsea were reduced to 10 men

Matic's sending off gave Chelsea a mountain to climb in the London derby with in-form West Ham looking for another win

Jose Mourinho (top centre) and Chelsea coach Silvino Louro were sent to the stands in the aftermath of Matic's red card

Mourinho looks glum after Carroll's goal in the 79th minute as the West Ham board and directors celebrate in front of him