Faah Faahin Ka Sobaxeyso iimaankii Masjid ku yaal deegaanka Farqalaal ee gobolka Hiiraan Oo Manta la diley

0
427

Wararka ka imanaya    Ee dagmada Halgan  ayaa sheegaya in qadiibka masjid ku yaal deegaanka Farqalaal oo dhinaca Waqooyi Galbeed kaga began degmada  halgan  ee gobolka Hiiraa.

Allaha u naxariistee Shiikh  Faarax Maxamed Cali oo ahaa masjid ku yaal deegaanka Farqalaal ayaa dabley hubeysan ku dileen gurigiisa oo aan ka fogeyn masjidka uu qadiibka ka ahaa.

Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in ay qadiiba dileen xilli uu doonayay in uu ka soo bax gurigiisa si uu salaada subax masjidka ugu tukado salaada Subax.

Lama oga sababta keentay dilka qadiibka masjidka iyo cidda ka dambaysayba, waana markii ugu horeysay ee lagu dilo qadiib masjid deegaanka Farqalaal ee gobolka Hiiraan.

Hase yeeshee labo habeen kahor ayay ahayd markii Mu’adinka masjid ku yaal degmada Cabudwaaq lagu diley agagaarka masjidka Jaamaca ee degmada Cabudwaaq.

FAAH FAAHINADA DANBE LA SOCO INSHA ALLAH