Faah Faahino kasoo baxaya Dil maanta ka dhacay Wadajir Magaalada Muqdisho

0
212

Kooxo bistoolado ku hubeesnaa oon heebtooda la garan ayaa maanta xaafada Nasteexa ee Degmada Wadajir waxa ay ku dileen Nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa Shaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rag bitoolao ku hubeesnaa ay rasaas la dhaceyn nin dhalin yaro ah oo magaciisa lagu sheegay Ciis Maxamed Beyle , waxaana Wararka aan heleyno sheegayaan in ninkan uu ka shaqeenayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde halka wararkalana sheegayana in Wasaarada Maaliya katirsanaa.

Xiliga la dilayay Ciise Beyle ayaa la sheegay in gaari uu kala soo baxayay goob garaash ah, waxaana dhalinyaro hubeesan ay ku dhax toogteen gaarigiisa kahor inta uusan goobtiisa shaqada uusan u dhaqaaqin.

Kooxihii dilka fuliyay ayaa durba goobta ka baxsaday, waxaana halka uu dilku ka dhacay gaaray Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo xaafada Nasteexa ka sameeyay baaritaano dad badan lagu qab qabtay.

Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa hada safka hore kaga jirta Degmooyinka ugu amaanka daran ee Magaalada Muqdisho, waxaana xaafado katirsan Degmadaasi siyaabo kala duwan loogu dilay dad u badnaa shaqaalo Dowlo.