Gaadiidleyda Gobolka Sh/Hoose Oo Ka Cabanayo Isbaarooyin Cusub Oo la Soo Dhigay Qeeybo Ka Mid Ah Gobolkaasi

0
196

Cabashadaan ay Muujinayaan Gaadiidleyda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah isbaarooyin tiro badan oo la soo dhigay qeybo ka mid ah Gobolkaasi, waxaana laga qaadaa sida ay sheegeen Lacago xad dhaaf ah oo aysan awoodin.

Gudoomiyaha Guddiga Iskaashatada Gaadiidleyda Gobolka Shabeelaha Hoose Axmed Sujaac Suufi oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay iney dhibaato xoog leh ku hayaan shaqsiyaad ku labisan dareeska Ciidanka Dowlada islamarkaana ay isbaarooyin soo dhigteen wadooyinka Gobolka Sh/Hoose.

Waxa uu sidoo kale sheegay in gaarigii aan bixin lacagaha laga rabo inuu la kulmayo Jirdil iyo dhac xoogan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin Maamul Cabashadooda wax ka qabanayo oo awood u leh inuu sifeeyo Isbaaroyinkaasi.

Waxa uuna tilmaamay in meelo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose ay yaalaan Isbaarooyin badan tasiina aay dhibaato ku qabaan gadidleeyda isticmaala wadooyinkaasi.