Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo la kulmay Aqoonyahanka Muqdisho

0
227

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gabolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kulan la qaatay Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka,waxaana Kulankaasi Ujeedkiisu uu ahaa sidii uu talooyin uga dhageysan lahaa Aqoonyahanada Soomaalida.

Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu qaadanayo Talooyinka Muhiimka ah ee ay u soo jeediyeen Aqoonyahanku islamarkaana intooda badan ay ahaayeen sidii loo Xoojin lahaa Shaqada Mamaulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulkiisa oo badin doono dhageysiga Talooyinka Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uusan noqon doonin Mas’uul Dad kooban Talada ka qaata sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inuu Xilka si rasmi ah ula Wareego 2 bisha soo socota oo ah Isniinta soo aadan.