Guddoomiye Ilka Xanaf oo sheegey in loo baahan yahay in talada dalka laga qeyb galino gobolada waqooyi

0
173

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka  Abuukaate Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ay qabaan dadka ka soo jeeda Gobalada Woqooyi ee Dalka  oo uu isaga  kamid yahay ,kuwaas oo uu tilmaamay in aan sidii loogu tala galay looga qeeb galinin Taladda Dalka.

Ilka Xanaf ayaa carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in Taladda Dalka  laga qeeb galiyo dadka Soomaaliyed ee ka soo jeeda dhamaan Gobalada Dalka ,taa hadii la waayana waxa uu ka digay Midnimadda Soomaaliya in  la weyn karo.

Guddoomiyha Maxakamadda Sare ee Dalka ayaa sidoo kale sheegay Hadii sidii loo baahnaa aan awooda dalka looga qeyb galin Siyaasiyiinta ka soo jeeda Daganadda uu ka arrimiyo Maamulka Somaliland islamarkana laga tago ay horseedi karto sida uu yiri midnimada Soomaaliya oo kala go’da.

Xildhibaanno iyo Mas’uuiliyiin Xilal ka haya Dowladda Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobalada Woqooyi ee Soomaaliya ayaana la dhicin qaabka aan looga qeyb galini shirkii Madasha Wada tashi Qaran oo Todobaadkii Tagay lagu qabtay Muqdisho.

Warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkaasina waxaa ka qeyb ahaa Shirarka soo socda In laga qeeb galiyo shaqsiyaad ka soo jeeda Gobalada Woqooyi ee Dalka.