Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Oo Maanta Xilka Laga Xayuubiyay

0
176

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna Duqii Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta xilkii laga qaaday, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweyd.

Xasan Muun-gaab ayaa xilka maanta laga qaaday waxaa loo magacaabay 27-kii February, 2014-kii, waxaana magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Isla maanta ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo weliba Duqa Muqdisho loo magacaabay mas’uul magaciisa lagu sheegay, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo aan horay loogu arag saaxadda siyaasadda Somalia.

Dhanka kale, illaa hadda lama sheegin sababta xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo dhawaanahan hadallo kulul u marinayay saxaafada wasiirka amniga xukuumadda Somalia oo uu sheegay inay sharciga kula tiigsan doonaan amar uu sheegay inuu ku bixiyay in la burburiyo jidka tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ugu dambeyn, xil-ka-qaadista Muun-gaab ayaa imaanaysa iyadoo dhawaanahan ay dadka Muqdisho isla dhex-marayeen in xilka laga qaadi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.