Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Wax Qabadkiisa Gobolka Banaadir

0
184

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuuseen Jimcaale oo xalay kulan gaar ah Muqdisho kula qaaday aqoonyahada Soomaaliyeed talana kaga dhageysanayay ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo dhawaan lagu wado inuu xilka si rasmi ah kala wareego gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Mudane Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa kulankiisa diirada ku saaray sidii Barakacayaasha iyo Ciidanka Malitariga lagaga saaro magaalada Muqdisho iyo halkii la dejin lahaa.

Sidoo kale,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay sida lagu sugi karo amaanka magaalada iyo waliba sida looga hortagi karo dadka falalka amaandari ka geysanaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.