Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel oo booqaneysa Turkiga

0
230

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, oo booqaneysa Turkiga, ayaa wadahadalo ku saabsan dhibaatada muhaajiriinta la yeelaneysa madaxda dalkaasi.

Waxay la kulmeysaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Merkel, waxa ay dooneysa in wax badan laga qabto sidii loo joojin lahaa tirada muhaajiriinta ee soo galeysa Midowga Yurub. Waxayna taa badalkeeda, hoggaamiyayaasha Midowga Yurub siinayaan Turkiga lacag iyo waxyaabo kale oo ay ka mid tahay in muwaadiniintooda ay dalkuggal la’aan tagi karaan Yurub.

Warbahinta Berlin, ayaa sheegeysa in Merkel oo hore u diiday in Turkiga uu Midowga Yurub ka mid noqdo iyo iyada oo ku eedeysay in aysan waxba ka qaban xadgudubyada xuquuqda aadanaha, uu xaalku ku xun yahay, balse hadda ayey deg deg u dooneysa in ay ka caawiyaan arrimaha muhaajiriinta.