Human Rights Watch oo ku eedeysay Somaliland inay tacadiyo u geysato dadka dhimirka qaba

0
213

Warbixin ka kooban 81 bog oo ka soo baxday Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa waxay ku eedeysay Maamulka Somaliland inay tacadiyo u geystaan dadka dhimirka qaba.

Warbixinta oo halku dhig looga dhigay “Chained Like Prisoners” oo macnaheedu yahay dadka sida maxaabiista oo kale u xiran ayaa lagu sheegay in dadka qaba xanuunada dhimirka, la xirxiro, lana garaaco, isla markaana khasab lagu geeyo goobaha dadka dhimirka qaba.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in goobaha caafimaadka ee gaarka ah dadka qaba xanuunada dhimirka lagu xirxiro silsilado, isla markaana aad loo xakameeyo dhaq dhaqaaqooda iyo meelaha ay aadayaan.

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in Somaliland ay aad ugu badan yihiin dadka qaba xanuunada dhimirka ah.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa waxaa lagu sheegay in dadka qaba xanuunka dhimirka intii la daryeeli lahaa loo ciqaabo sidii maxbuuska oo kale.

Laetitia Bader oo Human Rights Watch u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa ugu baaqday Somaliland in dadka xanuunada qaba la siiyo daryeelo, waxaana si gaar ah Mas’uuliyiinta Maamulka uga codsatay inay isha ku hayaan xaalada dadkaas iyo goobaha lagu haayo, lana mamnuuco in sisilado lagu xiro.

Human Rights Watch ayaa waxaa ay baaritaan ku sameeyeen Hargeys, Bebera, Gabiley, waxaa ay wareysteen in ka badan 115 qof oo ay ku jiraan 47 Bukaan oo ka tirsan dadkii dhibkaas uu ku dhacay.

Dadka dhimirka qaba ayaa la sheegay in iyagoo aanay raalli ka aheyn lagu haayo xarumaha la geeyo ee dhimirka, waxaana warbixinta ay sheegtay in xarunta The Hargeisa Group Hospital mental health ay tahay goobta kaliya ee aan la xirin dadka qaba dhimirka.

Sanadihii hore, inta badan daaweynta dadka qaba xanuunnada Dhimirka waxaa dusha saaran jiray qaraabadooda kuwaasoo Macluumaad dheeraad ah aan ka heysan xanuunkan.