Imaaraadka oo bixinaya qayb kamid Mushaharka Ciidamada Dowladda

0
215
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2015-09-05 03:01:20Z | |

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa shalay kala saxiixday heshiis dhigaya in Imaaraadka Carabtu uu qayb bixiyo Mushahaardka ciidanka dowladda Fadaalka.

Heshiis aya shalay ku kala saxiixdeen dowladda Fadaalka iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhanka dowladda waxaa usaxiixay waiirak Maaliyada axamed Aadan Fargeeti iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cali Baashi Maxamed,imaaraadka Carabtana waxaa usaxiixay Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Cusmaan.

Masuuliyiinta ayaa isku raacay in Imaaraadku uu qayb bixiyo lacaga musharka Ciidamada iyagoo midaa isku raacay waxayna si wadajir ah uga wada hadlaan xalada ciidamda Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta ujooga Soomaaliya aaya sheegay in Imaaraadku uu diyaar uyahay bixinta qayb kamid ah mushahraadka Ciidamada wuxuuna tilmaamay inay caawin doonaan Ciidamada si ay ugu taan waajibaadkooda.

Wasiirka Maaliyadda aya dhankiisa uga mahadceliyey Imaaraadka qaybta uu ka qaadanayo Mushaharaadka’isagoo tilmaamay in caawinta ciidanku ay qayb weyn ka qaadanayso talaabooyinka hormarineed ee dowladda.