Inka Badan 85 Qof Oo Somaali Ah Oo Lagu Xiraay Dalka Masar.

0
206

Dalka Masar waxaa lagu xiray 11 Dhallinyaro Soomaali ah iyo 10 Itoobiyaan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Sharci darro ku galeen Dalka Masar.

Wargeyska CairoPost ee ka soo baxa Dalka Masar ayaa saaka oo Sabti ah daabacay in Jimcihii shalay Dhallinyaradaasi lagu qabtay Magaalada Luxor ee Koofurta Dalka Masar iyaga oo sharci darro ku galay Dalkaasi.

Arbacadii ayaa 72 Labo Soomaali ah lagu xiray Dalka Masar kuwaas oo ka mid ahaa 100 Qof oo sharci darro ku galay Dalka Masar,waxaana ay doonayaan in ay gaaraan Qaaradda Yurub.

Inta badan dadkan ayaa Tahriibayaal ah,waxaana ay doonayaan in ay Dalka Masar ka galaan Qaaradda Yurub halkaas oo ay joogaan Muqalasiin Soomaali iyo masaari ah, una fududeeya dadka Tahriibaya in ay yimaadaan Masar.
ciidamada ilaaliya Sohdinta Dalka Masar ayaa adkeeyay Sohdimaha ay la wadaagaan Suudaan,halkaas oo inta ugu badan ay ka soo galaan Dalka Masar.

Xabsiyada Dalka Masar ayaa waxaa ku xiran boqolaal Soomaali Tahriibayaal ahaa kuwaas oo Masar ay ku eedeysay in Sharci darro ku joogaan Dalkeeda soona galeen iyaga oo aan heysan Kaararka Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Inta badan Dadka xiran ayaan la soo taagein Maxkamad,waxaan dowladda Masar ay sheegtay in ay Maxkamadeyneyso kadibna dib ugu sooc elineyso Soomaaliya oo ay ka soo jeedaan.