K/Afrika”Boqolaal Ajaanib Ah Oo Ka Cararay Gobahooda Ganacsi Kadib Weerar Ugu Yimid Dad Careeysan ” Boob iyo bur burin loo geeystay goobahooda ganacsi

0
176
Ku dhawaad 500 oo ajaanib ah oo isugu jira soomaali ,Bangladesh, Ethiopian, iyo Pakistan ah ayaa ka cararay goobahooda ganacsi oo ku yaalay degaanka  Grahamstown ee bariga gobolka eastern cape ee dalka koonfur afrika kadib rabshada baahsan oo halkaasi ka qarxay dabayaqadii todabadkii tagay waxana gabi ahaanba la bililiqeeystay macdaaradii ay ajaanibta halkaasi ku lahayeen,
Sida ay laamaha amaanka ee gobolka eastern cape sheegayaan barakacinta iyo boobka hantida ajaanibta ayaa ka dhalatay kadib markii la helay meydad dhowr ah oo dadka degaanka ahaa waxaana  lagu eedeyeen ajaanibta in dadka meydadkooda la helay ay iyaga dileen,
Hasa ahaate dadka ajaanibta ah ee ganacsiyada ku leh degaanka Grahamstown ayaa iska fogeeyay eeda ugu timid bulshada ay ku dhax ganacsadaan waxaana ay shegeen ajaanibta in dhibaata ba,an ay waqtiyadan danbe ka haystaya dadka ay ku dhax ganacsadaan islamarkaane ay dawlada hoose ee makana u gudbiyeen cabashooyin dhowr ah ,
In kabadan 300 oo dukaan ayaa la xaqiijiyay in rabashadaha ka dhacay Grahamstown lagu boobay halka tiro kalane alaabahii yaalay laga raray si aysan u sameyneyin boobka waxaana ajaanibata oo qaarkood qoysaskooda weheliyaan ay maciin badiin oo magangalyo ahaan ugu carareen magalooyinka iyo degaanada nabdoon
Ugu danbeeyntii dowlada koonfur afrika ayaa ciidama boqolaal gaaraya oo police ah u daad gureeysay degaanka Grahamstown si ay xaalada u dajiyaan waxana wali jirta cabsi ku aadan in rabashadaha ay ku fideen gobolka intiisa kale oo ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin ajaanibta gaar ahaan soomaalida,
GT-MiaVanDerMerwe-20151026
Cumar Kiyow
Radio Hiranweyn 
Koofur Africa