Kenya oo Kismaayo Sokor Sharci daro ah ka Dhoofisa

0
170

QM ayaa ku eedeysay Mar kale ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo in ay wadaan ka ganacsiga sokorta si sharci dara ah oo ay u dhoofiyaan dalkooda Kenya.

Waxaana QM ay sheegtay in Faa’ido ahaan ay kasoo gasho Kenya dhoofinta sokorta in lacag gaareysa in Kabadan $800,000 oo u dhiganta Sh81.8Million.

Warbixintaan waxaa diyaarisay kooxda la socodka xayiraada hubka ee saraan Soomaliya waxana ay tilmaamen in sokorta laga qaado dekadda Kismaayo lana geeyo degadda dalka Kenya iydoo la marsiinayo marinada u dhow magaalada Garisa sida Dhooblay.

Sokortaasi ayaa la sheegay in laga keeno dalka Brazil.

Warbixinta waxa ay leedahay sokortaaasi marka la marsiiyo xadka Somalia iyo Kenya marinka kale ee xiga waa xerada Dhadhaab kadibna qaab jumlo ahaan in lagu iibinayo suuqyada magaalada Nairobi.

Kenya ayaa la sheegay in si gaar ah sokorta ay uga iibiso shirkado gaar ah si ay u hagaajiyo xiriirkeeda ganacsi ee kalaa dhaxeeya.

Warbixinta waxa ay ka koobnayd 322bog,David Obonyo afhayeenka ciidamada Kenya ayaa sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonin hadalka kooxda kasoo yeeray.

Warbixinta waxa ay leedahay in faa’idada lacagtaan kasoo baxda qaarkood loo adeegsado weerarada ka dhaca Kenya iyo Somalia.