Kenya oo shaacisay Sawirada iyo magacyada Shan ruux oo weerar Ismiidaamin ka geysan raba Kenya

0
167

Sida ay shaaciyeen Laamaha ammaanka dalka Kenya, waxaa la helay xogo la xiriira shan ruux oo Kenyati ah oo afar ay rag yihiin halka mida kalena ay tahay haweenay inay qorsheynayaan weeraro inay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

5-ta qof ayaa la rumeysanyahay in ay ku sugan yihiin saldhigyo ay Shabaab ku leedahay gudaha dalka Somalia.

Hase ahaatee laamaha sirdoonka dalka ayaa ogaaday in ay shaqsiyaadkaasi qorsheynayaan in ay si dhuumasho ah ku galaan gudaha Kenya isla markaana ay weerararo argagixiso ka geystaan.

Dadkaan la doon doonayo ayaa waxaa ka mid ah qof haween ah oo magaceeda lagu sheegay Shamim Wanjiru Hussein.

4-ta qof ee kale oo dhamaantood rag ah ayaa kala ah Omar Patroba Juma, Anwar Yogan Mwok Omar Owiti iyo Ramadhan Kioko.

Taliska booliska dalka Kenya ayaa shacabka ka codsaday in ay u soo gudbiyaan wixii macluumaad ah oo horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo dadkaasi.