Kenya oo sheegatay inay dishay rag ka tirsan Al Shabaab

0
199

Saraakiisha ciidamada Millatariga dowlada Kenya ayaa sheegay iney burburiyeen saldhig ciidamada Alshabaab ku lahaayeen deegaan ku yaala gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal u hadlay dowlada Kenya ayaa sheegay in howlgalka burburinta saldhiga Alshabaab ay ku dileen ku dhawaad 15 kamid ah ciidamada ururka Alshabaab.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Korneyl David Obonyo ayaa sheegay in ciidamada oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ay dileen askarta ka tirsan Alshabaab.

Wuxuu sheegay afhayeenka in ciidamada ay burburiyeen saldhiga ciidamada ee deegaanta Yoontooy oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo weerarada ay kasoo abaabuli jireen Alshabaab, sida uu afhayeenka sheegay.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Kenya burburiyeen labo doomood oo Alshabaab u adeegsan jireen ka gudbida wabiga Jubba ee deegaanka.

Afhayeenka u hadlay ciidamada Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay in deegaanka Yoontoy uu ahaa saldhig ciidamada Alshabaab kaga soo talaabi jireen Jubbada Dhexe iyo saldhiga Alshabaab ee Shabeelaha Hoose, sida uu hadalka u dhigay