maamulka Galmudug oo ku baaqay in la Joojiyo Dagal Beeleed ka dhacay Galgaduud

0
187

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq u diray Beelaha ku dagaalamay Degaanno hoosyimaada Degaanka qaa’ib ee Gobolka Galgaduud.

Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ka Xun yahay Dadkii ku dhintay Dagaalka iyo kuwii ku dhaawacmay.

“Maamulka Galmudug waxaa uu ka Xun yahay in la daadiyo Dhiiga Dadka Muslimiinta ah hadana Soomaalida ah ee wada dhashay”ayuu yiri Carabeey.

Dagaalka ka dhacay Degaanada hoosyimaada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay Dad badan,iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale.