Maamulka Puntland oo looga baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan

0
205

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa ugu baaqay Maamulka jaar la ah ee Puntland inay ka shaqeeyaan Nabadda labada Maamul iyo deganaanshaha xaaladaha deeganada labadasi Maamul.

Guuleed, wuxuu sheegay hadii Maamulka Galmudug ay ka shaqeeyaan Nabada dhanka Puntland looga baahan yahay inay door ka qaataan Nabadda, si loo horumariyo nabada Bulshada ay u baahan yihiin.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa shegay maalmahan dambe inay soo baxayeen ifafaalo aan wanaagsaneyn oo ku aadan deeganada xuduuda ah ee labada Maamul ay wadaagaan inay ka soo yeerayeen waxyaabo dhibaato ku ah nabadda iyo deganaanshaha xaaladaha Gobolka.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Guuleed, wuxuu ka sheegay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo uu shalay tagay.

Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ay wadaagaan Gobolka Mudug oo qaybo ay ka kala joogaan