Maamulka Puntland oo Xayiraadii ka qaatay Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga

0
217

Puntland ayaa dib u fasaxday laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da kadib shaqo Joojintii ay Maalmo ka hor ku sameysay Idaacada VOA wasaarada warfaafinta Puntland .

Fasaxan ayaa  ka danbeeyay kadib Markii wasaarada warfaafinta Puntland ay ku Guul daraysatay inay keento Caddaymo rasmi ah oo la xiriira Shaqo Jojinta idaacadaani oo ay awal wasaaradu xustay inay Maxkamad la tiigsanayso.

Nuux Muuse Birjeeb oo ah wakiil wareedka VOA-da ee Garoowe ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay fasaxa idaacada isagoona Xusay in wasiirka warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade uu ku war Galiyay in xayiraadii laga qaaday idaacada VOA-da balse uusan sheegin cadaymaha Siidaynta .

Labo Maalin ka hor ayay ahayd Markii warqad si rasmia h uga soo baxday wasaarada warfaafinta Puntland uuna ku saxiixnaa Maxamud Xasan Soocade laguna sheegay in shaqo jaajin lagaga sameeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA-da Deegaanada Puntland sidoo kalana Digniin loogu jeediyay FMyada kala duwan ee ku yaala deegaanda Puntland inay Baahiyaan