Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Ciidan Boolis Ah Xerada Abqaale Tababar Ugu Soo Xiray

0
184

Madaxwaynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiwali Maxa’ed Cali Gaas ayaa Xerada abqaale ee degmada xarfo tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska dawladda Puntland oo mudadaan tababar halkaas uga socday.

Munaasabadan ayaa waxa ku sugnaa wasiirka amniga Puntland, wasiirka Maaliya Puntland,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland,iyo Masuuliyiin ka kala yimid Gobolada Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug.

Wasiirka AMniga Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidanka tababar ka dhamaystay, waxaana uu kula dardaarmay inay xoojiyaan amaanka guud ee Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Dr Gaas oo ciidanka la hadlayay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in maanta uu ciidanka u xiro tababarkoodii mudada usocday, waxaana Madaxwaynuhu sheegay inay xaqooda helayaan.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ciidankaan ay wax badan ka tari doonaan qorshayaaha amaanka Puntland lagu xaajinayo, waxaana Madaxwyanuhu uu sheegay in si joogtaa Ciidanka ay u qaadan doonaan mushaaraadkooda, iyagana lagula xisaabtamayo shaqooyinka ay Bulshada Puntland u hayaan.