Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay amaanka galkacyo kadib markii uu ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

0
193

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Ciidamada Booliiska Galmudug ee ku sugan Magaalada Gaalkacayo ugu baaqay iney ka shaqeeyaan amaanka iyo Xasiloonida deegaanada Maamulka Galmudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Booliiska Galmudug ay kasbadaan Xiriir wanaagsana la yeeshaan Shacabka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa balan qaaaday inuu dabooli doono baahiyaha iyo culysyada heysta Ciidamada Booliiska Galmudug ee ku sugan Gaalkacayo.

Sidoo kale,madaxweynaha maamulka Galmudud C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qiray iney jiraan baahiyo badan oo ay qabaan Ciidamada kala duwan ee ka howlgala maamulka Galmudug,isagoona balan qaaday iney du diyaargaroobi doonaan sidii arintaasi ay kaga shaqeyn lahaayeen.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Galkacayo qeybaha kala duwan ee Bulshada waxa uuna hadalkaani ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay Saraakiisha iyo Ciidamada Booliiska Galmudug.