Madaxweynaha maamulka juba oo sheegey in loo baahan yahay in madaxda somaliyed ay iyagu heshiiyaan

0
174

Madaxweynaha maamulka juba oo sheegey in loo baahan yahay in madaxda somaliyed ay iyagu heshiiyaan

Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe Madaxweyanaha Maamulka Juballand waxaa uu sheegay in loo baahan in laga gudbo qaabka ay Madaxda Soomaaliyeed marka ay is qabtaan wax u xaliyaan taas oo lala aado Beesha Caalamka iyo Dalalka Dariska ah.

Waxaa uu tilmaamay Axmed Madoobe in muhiimadu ay tahay in iyagu wada fariistaan ayna sigaar ah u wada hadlaan taasna hormar buuxa lagu gaarayo.

Madaxweyanaha Juballand ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay doorshada sanada 2016 waxaa uu sheegay in uu ku talinayo in Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Masuuliyiinta Dowladda Federalka in danahooda gaarka ah ay ka hormariyaan danta ummadda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayuu ka sheegay Shirka wadatashiga ee muqdisho ka socda kaas ay ka qeyb galayaan Madaxda Maamuladda iyo Masuuliyiinta Ddowladda Federalka ah.