Madaxweynaha Oo Markii Ug Horeysay Kahadlay ka hadlay Diyaaraddii ku dhacday Duleedka Afgooye

0
197

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Markii ugu horeeysay ka hadlay Diyaaraddii dhawaan ku dhacday Degaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Dadkii Saarnaa Diyaaradii ku dhacday Cumar Beere aan laga harin raadin tooda islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay wado Qorshe Dadkaasi lagu ogaanayo halka ay ku sugan yihiin.

Diyaaraddii 28-kii Bishaan ku dhacday Galbeedka Degmada Afgooye ayaa laga lahaa sida Warbaahinta qaar ay baahisay Dalka Kenya,waxaana la socday Dad gaaraya ilaa 12 Qof.

12-ka Qof ayaa la sheegay in ay u Gacan galeen Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab,iyadoo Al-shabaab aysan wali ka hadlin Amuuraha Diyaaradda iyo Dadkii la socday intaba.