Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo si rasmi ah u magacaabay Wasiiro cusub (Aqriso magacyada)

0
191

Axamed Maxamed Siilaanyo ayaa si rasmi ah goordhow u magacaabay Wasiiro cusub oo uu sheegay inay bedeli doonaan Wasiiradii shalay iska casilay xilkooda.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu magacaabay Wasiirada cusub waxa ayna u badan yihiin kuwo cusub iyo kuwo horay xilal u hayay oo wasaaradaha loo kala bedelay.

Madaxweynaha waxa uu qoraalkiisa wareegtada ah ku sheegay in lagamamaarman ay tahay in wasiirada cusub ay daacad u noqdaan maamulka.

Aqriso Liiska wasiirada cusub ee uu magacaabay Axmed Siilaanyo

1. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland(Hore Duulista).

2. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland (Hore Xildhibaan).

3. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga).

4. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland).

5. Dr. Sacad Cali Shire, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).

6. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).

7. Xuseen Aaden Cige (Deyr), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.