Madaxweynaha South Africa Oo Xal Kagaray Banaanbaxyadii Ay Dhigayeen Ardayda Jaamacadaha Dalkaasi

0
187

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay magaalooyin badan oo kuyaala Dalka South Africa ka socday banaanbaxyo waa weyn ay dhigayeen ardayda wax ka dhigta Jaamacadaha Dalkaasi, kuwaa oo kasoo horjeeday qorshe lagu kordhinayay lacagaha laga qaado ardayda Jaamacadaha .

Banaanbaxyada ay dhigayeen ardayda ayaa qaarkood ahaa kuwa rabshado watay ay gacmaha iskula tageen Ciidaada booliiska iyo ardayda, waxa ayna bananabaxyadaasi saameyn badan ku yeesheen waxbarashadii dalkaasi.

Madaxweynaha Koonfur Africa, Jacob Zuma, ayaa si deg deg ah arintan usoo faro galiyay , waxa una kulan gaar ah la qaatay Madaxda Jaamacadaha iyo Guddiyo ay soo dirsadeen ardayda kuwaa uu kala hadlay sidii xaalada loo dajin lahaa.

Waxa uu balan qaaday Madaxweynaha inaan la kordhin doonin lacagta jaamacada lagu dhigto sanadka danbe, waxa uuna intaa raaciyay inay jiri doonto baaritaano dowladda ay hogaaminayso oo lagu samaynayo mustaqbalka arrimaha waxbarashada.

Hadalka Madaxweynaha Dalka South Africa Jocob Zuma ayaa la filayaa in ay xal u noqoto ayna soo gaba gabeyso banaanbaxyadii ay dhigayeen ardayda wax ka dhigta Jaamacadaha kuyaala Dalkaasi South Africa.

CUMAR KIYOW

RADIO HIIRAANWEYN 

SOUTH AFRICA