Madaxweyne gaas oo ka mahadceliyay doorta Isimmada Jubbaand ee xasillinta dagaalladii Qoriley

0
204

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay xaaladda ammaan ee deegaannada Puntland ayaa si gaar ah uga mahadceliyay doorkii ay isimmada Jubbaland ka qaateen xasillinta dagaalladii ka dhacey deegaannada Qoriley iyo Magacley.

Madaxweynaha wuxuu ku sheegay ammaanka Puntland inuu yahay mid aad u wanagsan,marka laga tago dagaal beeleedyaddii ka dhacay deegaannada Qoriley iyo Magacley.

“Ammaanka waa mid wanagsan,waxaana ka mahadcelinaya doorkii isimmada iyo madaxweynaha Jubbaland ee ay ka qaateen xasillinta dagaalladii beelaha ee ka dhacay Qoriley iyo Magacley,”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qar ka mid ah isimmada Jubbaland u soo direy Puntland si ay uga qayb-galan dadaalladii lugu joojinayay dagaalladii dhexmarey baalaha walaalaha ah ee ku dagaallamay deegaannada Qoriley iyo Magacley.

Colada dhulka ayaa ahayd sannadihii ugu dambeeyay mid soo noq noqta,waxaana dajinteeda ka qayb-qaata isimmada Puntland,maaddama ay deegaannada ku dagaallamayaan dad wada-dhashay oo ka soo jeeda Puntland.