Mareykanka oo beeniyay in Saraakiil la socday Diyaaradii dhacday ay Shabaab u gacan galeen

0
163

Wasaaradda difaaca dalka Mareykanka ee Bantigoonka ayaa beenisay in shaqaalihii saarna diyaarad ku dhacday duleedka Afgooye ay ahaayeen muwaadiniin Mareykanka kasoo jeeda.

Kaaliyaha Afhayeenka Bantigoonka Jorj Leytal aya sheegay in aysan jirin wax macluumad oo muujinaya in Mareykanka muwaadiniin u dhalatay saarnaayeen diyaarada dhacday.

Afhayeenka waxa uu muujiyay wadciga inuu ad u xun yahay ayna dareemayaan wal wal balse aysan jirin saraakiil militeri iyo kuwa rayid ah.

Bantigoonka waxa uu xaqiijiyay in diyaarada laga laha meel kale aysan taabacsanayn Mareykanka.

Diyaarada waxa ay ka timid maagaalada Nairobi waxana ay shixnad u siday ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga.

Shaqalaha iyo diyaarada burburtay ayaa la sheegay in ay gacanta u gashay Al-shabab balse wali kama hadal kooxdaasi